Shirka wadamada Islaamka oo ka furmay Qaahira

46

Shir Madaxeydka Wadamada Islaamka ayaa goor dhaw ka furmay Magaalada Qaahira ee xarunta Dalka Masar iyadoo shirkaana Soomaaliya uu uga qeybgali doono Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo xalay  gaaray magaalada Qaahira.

Waxaa goordhow magaalada Qaahir ee caasimada wadanka Masar ka furmay shir weyne ay isugu yimaadeen hoggaamiyeyaasha wadamada Islaamka waxaana dalka Soomaaliya shirkaasi uga qeyb galay Madaxweyne Xasan Sheekh, R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibada, wasiiru dowlaha Madaxtooyada iyo xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibada Maxamed Nuur Gacal oo ka mid ah mas’uuliyiinta ka qeyb galeysa shirkaasi oo goordhow la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ajandaha ugu weyn uu yahay mid looga hadlayo dhibaatooyinka ka taagan wadamada Islaamka gaar ahaa dalalka Soomaaliya, Siiriya, Falastiin, Suudaan iyo kuwo kale.

sidoo kale wasiir ku xigeenka ayaa intaasi raaciyay in shirka qeybta Soomaaliya looga hadli doono afar qodob oo kala ah qaadista cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, Xiriirka ay Soomaaliya la sameysay wadamada Yurub, Amerika iyo qaar ka mid ah wadamada Afrika ,isbadalka siyaadadeed oo ay sameysay dowladda Soomaaliya, iyo sidii Soomaaliya looga gacan siin lahaa dib u dhiska.

Madaxweynaha Soomaaliya Prof Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu khubad ka jeediyay shirka taas oo uu uga hadlayo xaalada wadanka iyo hormarka ay ku talaabsatay dowladda Soomaaliya.Idale News

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.