kulan looga hadlayay soo celinta bilicda oo uu maamulka G/Banaadir la qaatay mas’uuliyiin ka socotay hay’adda UN Habitite

40

Kulankani  ay wada qaateen maamulka gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin ka socday hayada UN Habitite isla markaana looga hadlayay sidii sare loogu qaadi lahaa ololaha nadaafadeed ee ka socda magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay hay’adu balan qaaday in ay degmooyin 4-ah ka bilaabi doonto hab casir ah oo qashinka looga qaadayo si tijaabo ah hadii lagu guleystana guud ahaan degmooyinka gobolka Banaadir laga wada hir galin doono.

Kulanka markii uu soo idlaaday ayaa waxaa warbaahinta Qaranka la hadlay ku simaha duqa magaalada Muqdisho ahna ku xigeenka dhanka siyaasada ee duqa Mudane Cali Axmed Guure waxaana uu tilmaamay in kulankani uu yahay mid daba socda kulamo gudaha iyo dibada dalka horay loogu qabtay isla markaana looga hadlayay nadaafada magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Mudane Cali Axmed Guure waxaa uu daboolka ka qaaday in ay u fasaxayaan shirkadaha gaarka loo leeyahay si ay gacan uga geystaan bilic soo celinta magaalada Muqdisho Maamulka gobolkana uu ku dhiiragalinayo sida aduunkaba ka dhacda.

Kulankani ayaa waxaa uu qeyb ka yahay dedaalka dowladda Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir uu ugu jiro soo celinta quruxdii iyo nadaafadii ay  leheyd magaalada Muqdisho is ay ula jaan qaado caasimadaha aduunka.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.