Xaalada Cisbitalka guud ee magaalada Kismaayo oo laga deyrinayo

35

Maamulka  Cisbitalka guud ee magaalada Kismaayo ayaa ka  deyriyay xaaladda  Cisbitaalka,   isagoo dhanka kalena ka dalbaday dowlada Soomaalida iyo hay’adaha Samafalka iney gacan ka geystaan sidii cisbitalka uu usii shaqeyn lahaa.

Cisbitalka guud ee magaalada Kismaayo oo maalinti qaabila in ka badan boqol bukaan ayaa laga deyrinayaa xaalada Cisbitalkaasi,  oo ay ka jiraan baahiyo kaladuwan  oo lagama maarman ay tahay in wax laga qabto si cisbitalka usii wado adeegyada caafimaad ee uu bulshada u qabto.

Dr. Cabaas Cismaan Caabbi oo ka mid ah dhaqaatiirka ka howlgasha Cisbitalkaasi ayaa Radio Muqdisho u sheegay in cisbitalka u maalin kasta qaabilo in ka badan Boqol Bukaano ah kuwaas oo ka kala yimaado deegaanada Jubbooyinka,  isagoo intaa ku daray in bukanadaasi ay u qabtaan adeegyo isugu jira qaliin iyo daweyn.

Sidoo kale Dr. Cabaas ayaa intaa ku daray in haddii aan loo soo gurman cisbitalka uu qabi doono adeeygyada caafimaad ee uu bulshada u hayo, wuxuuna ka codsaday dowlada Soomaaliya iyo hey’adaha gargaarka in ay wax ka qabtaan xaalada cisbitalka guud ee magaalada Kismaayo.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.