Soomaalida ku nool Kenya oo ka welwelsan saameyn ay ku yeeshan rabshado la filayo in ay ka dhashaan doorashooyina ka dhici doona dalkaasi

25

Wel wel iyo cabsi aad u xoogan ayaa soo foodsaartay Soomaalida markoodii hore ka timid qurbaha ee ku noolaa dalka Kenya ayadoo dadkaasina ay ka cabsi qabaan iney saameyn ku yeelato rabshado ka dhasha doorashooyinka dhawaan ka dhici doona dalka Kenya.

Waxaa isa soo taraya welwelka ay Soomaalida ku dhaqan dalka Kenya ka qabaan rabshado ka dhasha doorashooyinka la filayo in ay ka dhacaan dalka Kenya 4-ta Merso ee sanadkan.

Soomaali badan oo qurbajoog ah oo caruurtoodu wax ka barataan dalka Kenya oo qarkood la hadlay Radio Muqdisho ayaa qorsheynaya sidii ay caruurtooda dib uga celin lahaayeen dalka Kenya,  ka hor inta aysan dhicin doorashooyinka madaxtinimada dalkaasi, iyagoo ka baqaya in ay saameyn ku yeeshaan rabshada ka dhasha doorashooyinka.

Dadkan ayaa qaba in ay suurtagal tahay in qabaa’ilka ku nool dalka Kenya ay ku murmaan natiijada doorashada,  sidaasina ay ku bilowdan rabshado ay suurtagal tahay in ay saameeyn ku yeelato Soomaalida oo iyaguna qeyb ka ah qowmiyadaha ku nool dalkaasi.

Waxaa laga dareemaya magaalada Nairobi Soomaali farabadan oo dib ugu laabanaya intooda badan waqooyiga Ameerica,  halka kuwa kalena ay kusoo laabanayaan gudaha dalkeena Soomaaliya,  kuwaas oo baqdin ka qaba in ay saameyn ku yeelato rabshado ay dhici karto in ay ka dhashaan doorashada madaxtinimada dalka Kenya.

Idale News Muqdisho

 

You might also like More from author

Comments are closed.