Ururka midowga Africa ayaa si wada jir ah u taageeray musharaxa Agaasimaha guud ee (UNESCO)

34

Addis Abeba – War si wada jir ah uga soo baxay hogaamiyeyaasha wadamada ururka Midowga Africa ee dhawaan ku shiray magaalada Addis Abeba ayaa si buuxda u taageeray musharaxa Agaasimeha guud ee UNESCO Ambassador Rachad Farah oo dadaal ugu jira in uu bedelo agaasimaha waqtigiisu sii dhamaanayo  Irina Bokova, taas oo iyana dooneysa in mar labaad la doorto afarta sano ee soo socota, Wadamadan ayaa balan ku qaaday in ay xaqiijiyaan in uu guuleysto qorshahan ku aadan qabashada xilka ugu sareeya ee UNESCO, Mr Farah oo iminka ah safiirka dalka Djibouti u fadhiya  Paris ayaa aad ugu mahad celiyay hogaamiyeyaasha qaarada Africa ee soo saaray qaraarkan, arintan  ayaa ka dambeysay kadib markii wadanka Uganda oo matalayay wadamada IGAD uu soo jeediyay aragtida ah in la taageero qorshaha Dalka Jabuuti ee ku aadan qabashada xilka ugu sareeya UNESCO, Xiligan wixii ka dambeeya waxaa I saaran mas’uuliyad aad u culus, taas oo ah  rajada qaarada Africa oo dhan ayuu yiri safiirka oo kula hadlayay saxaafada magaalada Adis abeba.

Guul  tan la mid ah wuxuu safiirku horay uga helay shirkii wadamada Islaamka -Organization of the Islamic Conference (OIC)  ku yeesheen magaalada Djibouti dabayaaqadii sandkii hore, safiirka ayaa taageero taa la mid ah  ka codsaday wadamada qaarada Asia, America, Europe  iyo United states Waxaan u arkaa ayuu yiri in waxbarashadu tahay furaha wax kasta, waxaana doonayaa in UNESCO ay ku soo laabato wado sax ah, Doorashada UNESCO ayaa lagu wadaa in ay qabsoonto bisha Oktober ee sanadkaan aynu ku jirno.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.