Maxkamadda Sare ee dalka Zambia oo dib-u-dhigtay kiis loo haysto Muwaadin Soomaali ah

30

d1092dcb6158c3fcc8ced99bb0c7f775_XL

Haweeney Garsoore ka ah Maxkamadda Sare ee NDOLA ee dalka Zambia, ayaa ku dhawaaqday inaysan xilligan qaadi karin dacwad loo haysto Muwaadin Soomaali ah oo ku eedeysan inuu dilay Muwadin u dhashay dalkaasi.

Garsooradda oo lagu magacaabo Mary Mulanda, ayaa hadalkaasi ka sheegtay markii Eedeysanaha Soomaaliga ee lagu magacaabo Omar Mohamed Hashi shalay la soo taagay Maxkamadasi.

“Mr. Hashi waxaan ka cabsnayaa inaan awoodi karin inaan Dacwadaada ku qaadno Maxkamddan” ayey tiri, waxayna intaasi ku dartay inaan weli loo soo gudbinin Kiiskiisa.

Garsoore Mary Mulanda, waxay Eedeysanaha ku wargelisay inuu iska sugo inta uu Garsoore kale ugu yeeri doono.

Waa markii Labaad ee ay Maxkamadaha Zambia dib u dhigaan Dacwadda loo haysto  Omar Mohamed Hashi oo 30-jir ah, oo isagu loo haysto inuu dilay Nin u dhashay dalkaasi oo Adeege u ahaan jirey, oo la oran jirey Holland Kabso, kadib, markii ay ku murmeen dhinaca mushaarka,

Dilkaasi waxa uu sababay inuu iska horimaad dhex maray dadka Zambianka iyo kuwa Soomaalida ee wada deggan goobta uu dilku ka dhacay, waxayna Boliska xabsiga u taxaabaan 30 qof oo Zambian ah

Eedeysanaha, ayaa la sheegay in loo cuskan doono Qoddobka  200-aad ee Sharciga dalka Zambia.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.