Malaaqa Beesha Hubeer, Xasan Shure oo rabitaanka sharif Xasan ku diidey xubintii Beesha u soo gudbisey

54

 Qoraal  ay soo saareen wargarada, dhalinyarada, haweenka iyo aqoonyahanada gudaha iyo dibada  ee Beesha Hubeer ayaa ku eedeeyey Malaaqa Beeshaasi Xasan Shure Maxamuud in xubnaha beesha uga mid noqonaaya barlamaanka cusub ee Somalia u isticmaalo fursad dhaqaale, isagoo balanqaadyo kala duwan u sameeyey xubno badan oo beesha ka mid ah si uu uga helo dhaqaale farabadan ka hor xiliga loo muddeyey iney soo gudbiyaan xubnaha barlaamaanka Somalia.

xasanshure

Cabashada-Beesha-Hubeer ee Xubinta Beesha

 

Cabashada ugu weyn ayaa waxay ka imaaneysaa deegaanka ay beeshu degto ee gobalka Bay iyo Gedo oo aan haba yaraatee helin qof u metala Barlamaanka cusub ee Somalia. Labadii kursi ee ay beeshaasi heshay ayaa malaaq Xasan Shure lagu eedeynayaa inuu dhaafsadey dhaqaale, ku qorey xubno ka soo jeeda beesha oo degaan ahaan ka soo jeeda Gobolka Jubada Hoose. Taasoo oo aad uga careysiiyey degaanka ay beeshu ku badan tahay ee Gobalka Bay iyo Gedo oo ugu yaraan heli jirey Hal xildhibaan ama 2da xildhibaan.

Eedeyntaan ayaa meeshii ugu dambeysey gaartey markii dhowr siyaasiin oo xilkaas uu u balanqaadey dhaqaalena kaga lunsadey ay gaareen xarunta uu degan yahay Malaaq Xasan Shure si loo siiyo application ay soo buuxin lahaayeen si ay uga mid noqdaan xubnaha  barlamaanka soo socda ayaa taas bedelkeeda waxuu door bidey inuu ku balan furo, ka dibna iskii go’aan u gaaro isagoo aan la tashan qeybaha kala duwan ee beesha hubeer.

Qoraalka ayay wargaradka beesha ku sheegeen in malaaqu siistey dhaqaale kuraastii beesha Hubeer ee degta gobalada Bay iyo Gedo, sidoo kalena uu ku kacey nin jecleysi iyo musuqmaasuq, taasoo aad iyo aad uga careysiiyey dhamaan beesha hubeen waxgaradkeeda meel kastaa oo ay joogaan. Sidoo kale waxuu uu iska fogeeyey oo  diidey inuu la tashi inuu kala yeesho xubnaha kala duwan eee beesha Hubeer, isagoo doorbidey inuu kulamo gooni gooni ah la yeesho shaqsiyaad kooban oo ay aad isugu dhow yihiin.

Sidoo kale waxa ay qoraalka waxgaradka beesha ku sheegeen in Malaaqa Xasan Shure yahay muddo ku jirey hab dhaqan qaldan aheyna  qof aan u diyaarsaneyn wadatashiga iyo talooyinka beesha qeybaheeda kala duwan balse kaliya u adeegsado masuuliyada dhaqanka mid danihiisa gaarka un ku ilaashado.

Malaaq Xasan Shure oo in ka badan 45 sano ahaa odey dhaqameedka beesha hubeer ayaa markaan waxaa uu u muuqdaa in uu cagaha la galey fowdo iyo qalalaase siyaasadeed oo uu isaga abuurtey, kana horkeentey dhamaan xubnaha beesha hubeer ee ku nool gudaha dalka iyo dibadiisa,  gaar ahaan deegaanka uu ka soo jeedo ee Bay, waxaan jirtey in Malaaq Xasan Shure uu dhowr jeer oo hore oo musuqmaasuq lagu eedeeyey kaga badbaadey si dirqi ah iyo iska horkeenida beesha dhexdeeda,  ayaa ay adag tahay markaan inuu ka badbaado kacdoonka beesha oo si mideysan oo aan kala qeybsi laheyn kaga soo horjeestey hab dhaqankiisa kali talisnimo iyo nin jecleysi ayey qoraalkooda ku sheegeen.

Waxayna ugu dambeyntii qoraalkooda ku sheegeen beesha in la gaarey xiligii ugu mudnaa ee isbedel dhaqan ay beesha yeelan laheyd la gaarey, kaasoo leh hab raac ka turjumaanka dhaqanka Islaamka ee suuban ee ka saleysan cadaalada, horumarka beesha iyo  wadatashiga beesha dhexdeeda si beesha ay ula jaanqaado beelaha kale ee Soomaaliyeed ee dhaqankooda yahay  shaqsiyaad leh aqoon, karti iyo hogaamin  isla markaasna fahansan casriga maanta la joogo iyo baahida beesha u qabto iney ay hesho nolosha asaasiga ee ay u baahan yihiin sida waxbarasha, caafimaadka iyo waxii la mid ah ayeyna ku soo gabagabeeyeen waxbixintooda.

 

Idale News Online “INO” Muqdisho

 

You might also like More from author

Comments are closed.