Dowlada Britain oo 3 Milyan oo Bown ugu deeqday dowlada Soomaaliya

22

Dowlada Ingiriiska ayaa lacag dhan 3 milyan oo Bown ugu deeqday dowlada Soomaaliya si loogu horumariyo hay’adaha dowlada  xilli  Ra’isulwasaaraha dalka Ingiriisku uu magaalda London ku qaabilay mdaxweynaha Soomaliya.

War ay soo saartay dowlada Ingiriiska ayaa lgu sheegay in Lacagtan gaareysa Sadexda Milyan ee Bown lagu taageeridoono dowlada si ay uga soo baxdo xaaladi kala guurka aheyd ee dalku ku jiray.

Sidoo kale dowlada Ingiriska ayaa sheegtay in 1.7 milyan oo ka mid ah lacagtaas lagu horumarindoono Baarlamanka iyo hey’adaha kale dowlada, lacagta kale oo ah 1.5 milyan oo Born waxaa lagu caawindoona dad gaaraya Lixdan Kun kuwaas oo isugu jira caruur iyo hooyooyin ay nafaqa daro heysato.

Dhanka kale Baarlamaanada wadamada Ingiriiska iyo Norwey waxey si wada jir ah u martigelin doonaan mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliya si ay u siiyaan talooyin iyo tababaro ku aadan dhinaca Dastuurka ah, sidoo kale barnamijkan ayaa caawinaya in dhalinyaro badan ka faa’ideystan habka dowlad nimada iyo sida dastuurku u shaqeeyo.

Hadalkan ka soo baxay dowlada ingiriiska ayaa waxaa ku dhawaaqay kaaliyaha xoghayaha xiriika caalamiga ah ee dowlada Ingiriiska oo la kulmay madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ka hor inta uusan la kulmin R/wasaaraha dalkaasi David Cameron.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.