In kabadan 25 Dhalinyaro oo lagu xiray Magaaladda Beledweyne

29

Howlgalo ay maanta Ciidamada Somalia ka sameeyen magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxa ay kusoo qab-qabteen Dhalinyaro gaareysa 25 kuwaasoo lagu tuhunsan yahay inay Xiriir sukeeye la leeyihiin Al-Qacidada Somalia ee Alshabaab.

Col: Isaaq Cali Cabdulle Taliyaha qeybta booliiska gobolka Hiiraan oo la hadlaayay Saxaafadda ayaa sheegay in Raggaasi ay qabteen xilli ay saarnaayen Gaari ka imaaday dhanka magaalada Gaalkacyo

Col: Isaaq Cali Cabdulle ayaa sidoo kale sheegay in Dhalinyaradaasi ay kaga shakisan yihiin inay xiriir la leeyihiin Shabaab waxa uuna tilmaamay inay baaritaano lixaad leh ku sameyn doonaan inta aysan xukun ku ridin sida uu hadalka u dhigay

Si kastaba ha ahaatee Kornayl Isaaq ayaa xusay in howlgalka dadkan lagu xiray uu daba socdo warar sirdoon oo ay heleen oo sheegayo in al-Shabaab ay dib ugu soo celin rabaan Beledweyne.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.