Ciidamada dowladda oo toogasho ku dilay wiil dhalinyaro oo askari ku dilay Suuqa Xoolaha

30

Ciidamada dowladda ayaa galabta toogasho ku dilay wiil dhalinyaro ah oo askari ka tirsan dowladda ku dilay Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa.

Wiilkan dhalinyarada ayaa si gaadmo ah askariga ku dilay meel ku dhow bosteejada baabuurta Bl-ka laga raaco ee Suuqa Xoolaha.

Ciidamo ka tirsan Milateriga oo ka ag dhowaa goobta ayaa durbadiiba dilay askariga, iyadoo falkan uu noqonayo kii u horeeyay ee qof wax dila isna la dilo.

Meydka wiil dhalinyarada ayaa in muddo ah yaalay wadada suuqa xoolaha, halkaasoo markii uu falka dhacay ay soo gaareen Ciidamada Nabadsugida oo howl galo sameeyay, balse aanay cidna soo qaban.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada iyo maamulka degmada Huriwaa oo ku aadan dilalkii ka dhacay Suuqa Xoolaha.

Ciidamada Milateriga ayaa wali dhex degan Suuqa Xoolaha, iyagoo xarumo ciidan ku leh, waxaana wadooyinka lagu arkaa ciidamada oo dhex socda.

Idale News Muqdisho

 

You might also like More from author

Comments are closed.