Tababar loo furay ciidamo loogu talagalay ilaalinta deegaanka

33

Tababarkaan maanta u farmay ciidamada  ilaada deegaanka ee dowladda hoose ayaa waxaa ka qeyb galay wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, gudoomiyaha gobalka Banaadir, Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya,  saraakiil, janeraalo iyo qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha dagmooyinka gobalka Banaadir, waxaana munaasabadab ay ka dhacay dugsiga tababarka Jeneraal Kaahiy ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya Shariif Shiikhuna Mayee oo furitaanka tababarkaasi ka hadlay ayaa sheegay in tababarkaan uu yahay mid looga gol leeyahay sidii sara loogu qaadi lahaa aqoonta ciidanka ilaalada deegaanka ee dowladda hoose isgagoo xusay in 45 cisho uu socon doono.

Sidoo kale Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahne duqa magaalada Muqdisho oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in tababarkaasi uu yahay mid sare loogu qaadayo ciidanka ilaalada deegaanka isago carabka ku dhuftay in looga bahanyahay ciidanka tababarka qaadanayo in ay si hufan ugu shaqeeyaan shacabka.

ugu danbeyntii waxaa halkaasi ka hadlay wasiir ku xigeynka wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka Jaamac Axmed Maxamed waxa uuna ugu baaqay ciidamadii maanta loo furayay tababarka in ay la yimadaan isbadal wax ku ool ah.

tababarkaan maanta xariga uu ka jaray wasiir ku xigeynka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka ayaa ah mid looga gol leeyahay sidii sare loogu qaadi lahaa aqoonta ciidamada ilaalada Deegaanka.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.