Ciidamo Itoobiyaan oo fariisimo ka sameystay galbeedka magaalada B/weyn

34

Ciidamada Itoobiya ayaa maanta fariisin ka sameystay galbeedka magaalada B/weyn, halkaasoo labo cisho ka hor uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda, AMISOM iyo Xoogaga Al-Shabaab.

Wararka laga helayo magaalada ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya oo dhowr bil ka hor ka baxay fariisimihii ay gudaha magaalada iyo galbeedka ku lahaayeen ayaa mar kale u muuqda kuwo dib ugu soo laabanaya.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada dowladda ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay ka qeyb qaadanayaan sugida amaanka, inkastoo dadka deegaanka ay wal wal ka qabaan in mar kale ciidamada dib ugu soo laabtaan fariisimihii ay horay u baneeyeen.

Ciidamada Itoobiya ayaa waxaa wehliya ciidamo ka tirsan dowladda oo la arkayay, iyagoo fariisimo ka sameysanayay xaafadaha galbeed ee B/weyn, si ay u difaacaan hadii weerar uga yimaado Al-Shabaab.

Habeenkii jimcaha ayaa dagaal ka dhacay galbeedka magaalada B/weyn ayaa waxaa uu ku dhex maray ciidamada AMISOM iyo Al-Shabaab, waxaana uu ahaa dagaalkii u horeeyay oo ay galeen ciidamada Jabuuti.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.