Al-Shabaab oo faah faahin ka bixiyay dagaalo ka dhacay Bakool iyo Hiiraan

48

Xarakada Al-Shabaab ayaa ka hadlay dagaalo ka kala dhacay Gobolada Hiiraan iyo Bakool, oo ay ku qaadeen saldhigyo ay ku leeyihiin ciidamada dowladda, kuwa Itoobiya iyo Ciidamada Jabuuti ka socda, kaasoo ka dhashay qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Afhayeenka Ciidamada Al-Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in xalay ay dagaal qorsheysan ku qaadeen degmada Xudur ee Gobolka Bakool, ayna weerareen Ciidamada Itoobiya ee ku sugan degmadaas.

“Howl galkaas waxay mujaahidiinta ku qaadeen degmada Xudur, waxaana Xabashida u geysanay qasaare xoog leh, mujaahidiintana waxay dib ugu soo laabteen goobahoodi”ayuu yiri Abuu Muscab.

Sidoo kale waxaa uu ka hadlay dagaal habeenkii jimcihii ka dhacay Beledweyn, kaasoo ay la galeen ciidamada Jabuuti, isagoo sheegay in ciidamada Jabuuti ay qasaare u geysteen.

Abuu Muscab ayaa ku tilmaamay Ciidamada Jabuuti inay ku soo duuleen dalka, isla markaana dagaal kala hortagayaan, waxaana uu xusay in dhankooda dagaalkaas ay kaga dhimatay askar sida uu yiri.

Al-Shabaab oo gacantooda ka baxay magaalooyin ku yaala Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa weeraro ku qaaday fariisimaha ciidamada dowladda iyo kuwa taageeraya ee ka socda dalalka deriska ah.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.