Iiran oo soo bandhigtay dayuurad dagaal oo aysan raadaradu arki karin

45

Iiraan ayaa waxa ay soo bandhigtay dayuurad dagaal oo madaxda dalka Iiraan ku tilmaameen inaysan arki karin raadaarada.

Dayuuradan oo hal ruux oo kaliya qaadi karta Qaher F313 ayaa ah dayuuradii ugu dambaysay ee dalka Iiraan laga soo saaro tan iyo sanadkii 2007dii.

Madaxweynaha dalk Iiraan Axmednijad ayaa ku tilmaamay dayuuradan dayuurada dunida ugu casrisan.

Axmednijad oo ka hadlayay sababta dayuuradan loo iqtiraacay ayaa waxa uu ku sheegay inay tahay mid milatariga dalka Iiraan lagu xoojinayo isla markaana ujeedada loo sameeyay ay tahay difaac.

Dayuurdan oo lagu soo bandhigay xaflad ka dhacday magaalada Tehran lagana daawaday taleefishinka dalka Iiraan ayaa madaxweyne Axmednijad waxa uu sheegay in dayuuradan ka mid tahay dayuuradaha dagaalka loo isticmaalo kuwooda ugu horumarsan.

Xaflada lagu soo bandhigay dayuurada ayaa lagu soo beegay 34 guurada kacaankii ka dhcay dalka Iiraan 1979kii kaasoo lagu bedelay Shaahii ay dowlada Maraykanku taageeri jirtay,

Toddobaadkan gudihiisa ayay dowlad Iiraan waxa ay sheegtay in ay hawada sare u dirtay gantaal ay ugu magac dartay Pishgam kaas oo uu saarnaa daayeer nool, waxana uu gantaalkan gaaray fogaan ah hawada sare 120km (75 miles).



Dowladaha reer galbeedka ayaa waxa ay ku eedeeyeen in dowlada Iiraan barnaamijkeeda hawada sare uu yahay mid ay ku dooneyso in ay u isticmaasho gantaalo qaadi kara madaxyada niyukliyerka.

Hase yeeshee dowlada Iiraan ayaa waxa ay beenisay inay raadinayso in horumariso barnaamijka hubka niyukliyerka ah, waxayna sheegtay in ay u isticmaalayso arrimo nabadgelyo kaliya.

Idale News Muqdisho

 

You might also like More from author

Comments are closed.