Maxkamada G/Banaadir oo dib u dhigtay dacwada loo heysto Wariye C/casiis Koronto iyo Haweeneydii la kufsaday

55

Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa maanta dib u dhigtay dacwada loo heysto Wariye C/casiis Koronto iyo haweeney sheegtay in la kufsaday, iyadoo la dhageystay dacwada lagu soo oogay wariyaha iyo afar ruux kale oo Maxkamada dambi ku soo oogtay.

Xeer Ilaalinta Maxkamada ayaa ku eedeysay wariyaha iyo gabadha la kufsaday inay ka been abuureen ciidamada dowladda oo ahaa inay kufsi geysteen, waxaana dacwada ay aheyd mid aad u kululeyd.

Gudoomiyaha Maxkamada gobolka Banaadir ayaa sheegay in dib loo dhigay dacwada ilaa maalinta Talaadada, iyadoo xeer ilaalinta la weydiistay inay soo dhameystiraan marqaatiyadii iyo cadeymaha ku saabsan dambiga lagu soo oogay wariyaha iyo gabadha la kufsaday.

Qareenada u doodayay Wariyaha iyo gabadha la kufsaday ayaa sheegay in aanay dambi gelin oo aanay waxba been abuurin, waxaana haweeneyda la kufsaday ay Maxkamada ka hor cadeysay in la kufsaday, hase ahaatee xeer ilaalinta ay sheegeysay in markii la baaray gabadha aanay kufsi loo geysan.

Qareenka u doodaya Wariyaha iyo dhibanayaasha kale ayaa sheegay in arrinta la siyaasadeynayo, isla markaana arrinta la cusleynayo, balse uu ku dadaalayo sidii uu u difaaci lahaa dhibanayaasha uu u doodayo.

Dadka xiran ayaa waxaa ku jira gabadha la kufsaday ninkeeda iyo labo kale oo mid haweeney tahay oo lagu soo eedeeyay inay wax ka abaabuleen been abuurka, waxaana jira dul duleelo ku saabsan habka dacwad qaadista ku saabsan.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.