Farshaxankii Magaalada Muqdishu oo dib u soo laabtey (Daawo Muuqaal+Warbixin)

32

 

Farshaxankii Magaalada Muqdishu ayaa waxaa la sheegay inuu dib u soo laabtey ka dib markii ay meesha ka baxeen kooxdii Alshabaab oo ku sheegi jirey inuu farshaxku yahay xaraan islamarkaana cidii lagu helo ayadoo wax sawireyso la marsiin doono ciqaab kulul.

Farshaxanlayaashii ku noolaa magaalada Muqdishu ayaa waxaa la sheegay inay howshoodii farshaxanimo ay dib u bilaabeen oo ay soo nooleeyeen ka dib markii ay meesha ka baxeen maleeshiyaadka kooxda Alshabaab oo dhibaatooyin kala duwan ku haayey dadka sameeya sawir gacmeedka iyagoona ku sheegi jirey inuu farshaxanku yahay xaaraan oo uuna ka soo horjeedo diinta islaamka iyadoona cidii lagu helo arintaas ay la kulmi doonto ciqaab arintaas oo keentay inay dhuumasho ay ku jiraan farshanlayaasha ku noolaa magaalada Muqdishu ilaa maleeshiyaadka kooxda Alshabaab laga saarey magaalada Muqdishu taas oo keentay inay farshaxlayaashu ay soo bandhigaan farshaxankooda islamarkaana ay fikradooda ugu soo gudbiyaan dadka Soomaaliyeed hab qaab sawireed ah taas oo keeneysa inay dadku si dhaqso ah u fahmaan waxa laga hadlaayo.

[vsw id=”v0TZA2VqNzQ#!” source=”youtube” width=”425″ height=”344″ autoplay=”no”]

Ugu dambeyntiina iyadoo farshaxleyda magaalada Muqdishu ay ka reysteen cadaadiskii ay ku hayeen maleeshiyaadka kooxdaas Alshabaab ayaa sida uu sheegay Axmed Cabdulle oo ah agaasimaha xarunta cilmi baariste ee CRD oo ah meesha ay hada ku soo bandhigaan farshaxanleyda sawir gacmoodkooda inay dadka farshaxanleydu ay waagii ay joogeen maleeshiyaadka Alshabaab aysan ka soo bixi jirin guryahooda ayagoona ku noolaa cabsi joogta ah maadaama ay maleeshiyaadkssi aamin san yihiin inuu farshaxanku yahay xaaraan islamarkaana uu diinta islaamku mamnuuc ka yahay, Maleeshiyaadka kooxda Alshabaab oo caadadoodu ahayd inay wax badan oo caadi ahaa ku tilmaamaan xaaraan iyo inay mamnuuc yihiin ayaa waxaa ugu yaab badan oo ay dadka Soomaaliyeed ku xusuustaan ka dib markii ay mamnuuceen sambuuska oo ay ku sheegeen inuu u sameysan yahay sida kirishtada arintaas oo ay la yaabeen dad badan oo Soomaaliyeed.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.