Kooxo hubeysan oo maanta Boosaaso ku dilay mid ka mid ah Salaadiinta ugu caansan Puntland

35

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay ku dileen bartamaha magaalada mid ka mid ah salaadiinta ugu caansan ee Puntland, iyadoo kooxihii dilka ka dambeeyay ay baxsadeen.

Sida ay sheegayaan wararka kooxaha dilka geystay oo ku hubeysnaa bastoolad ayaanay u suura gelin inay gacanta ku soo dhigaan ciidamada amaanka.

Suldaanka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Suldaan Muuse oo ka mid ahaa salaadiinta ka soo jeeda Gobolka Bari.

Ma jirto ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay Maamulka bari ee Puntland, waxaana dilkan uu qeyb ka noqonayaa dilal horay uga dhacay Boosaaso kaasoo loo geysanayay Saraakiisha ciidamada iyo waxgaradka.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.