Ciidamada AMISOM oo dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wada Gobolka Hiiraan

44

Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa dhaqaaqyo ciidan ka wada Gobolka Hiiraan, kadin weerar habeen hore Al-Shabaab ku qaadeen saldhig Ciidamada ka socda Jabuuti ku lahaayeen galbeedka magaalada B/weyn.

Sida ay sheegayaan wararka cutubyo ka tirsan Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howl galka AMISOM ayaa gaaray deegaano 50-KM u jira B/weyn, iyadoo qorshuhu yahay inay la wareegaan goobo Al-Shabaab ka soo abaabulaan weerarada.

Taliyaha Ciidamada dowladda ee Gobolka Hiiraan Col. Tawane Axmed Gurey ayaa sheegay inay ku wajahan yihiin deegaanada ku haray gacanta Al-Shabaab ee gobolka.

Dadka ku nool magaalada B/weyn ayaa sheegay in Ciidamada Jabuuti ay ka bilaabeen magaalada dhaq dhaqaaqyo aan horay loo arag, kadib markii dagaalkii u horeeyay ay la galeen Al-Shabaab.

Magaalada B/weyn ayaa waxaa ku sugan boqolaal ciidan oo ka socda dalka Jabuuti oo qeyb ka ah howl galka AMISOM, iyadoo ciidamadan ay xarumo ku leeyihiin gudaha iyo daafaha magaalada.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.