Tababar loo furay in ka badan 30 ka mid ah howlwadeena wasaarada Kheyraadka dalka

42

Tababar kor loogu qaadayo aqoonta shaqaalaha wasaarada Kheyradaka ayaa maanta laga furay magaalada Muqdisho.

Tababarkan oo ay bixineyso dowlada Turkiga ayaa waxaa ka faa’iideysanaya in ka badan Sodon ka mid ah howlwadeenada wasaarada Kheyraadka iyadoo furitaanki tababarkaasi ay ka soo qeybgaleen dowlada Federaalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka socotay dowalda Turkiga.

Tababarkan oo socndoon mudo Sadex maalmood ah isla markaana lagu baran doono macluumaad ku saabsan cilmiga Beeraha, Xoolaha iyo kaluumeysiga oo uu dalkeenu hodanka ku yahay.

Danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya Dr. Jamaaludiin oo ka hadlay furitaankii tababarkaasi ayaa sheegay in talabadani ay tahay mid sare loogu qaadanayo aqoonta howlwadeenada wasaarada Kheyraadka,  isagoo intaa ku daray dowlada Turkiga ay sii wadi doonto tababarada noocan oo kale ah.

Ugu dambeynti wasiirka wasaarada Kheyraadka dalka Dr. C/risaaq  Cumar  Maxamed ayaa dowlada Turkiga uga mahadceliyay tababarka ay siinayaan shaqaalaha wasaarada,  isagoo kula dardaarmay shaqaalaha ka qeybgalaya tababrkan in ay ka faa’iideystaan aqoonta ay usoo gudbinayaan macalimiinta bixineysa tababarkaasi.

Tababrkan ayaa qeyb ka ah dadaalada ay dowlada Turkigu ku taageereyso dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed ee ka soo kabanaya diiftii iyo dhibaatooyinkii ay ka dhaxleen dagaaladii mudada dheer ka socday dalkeena Soomaaliya.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.