Aaska Qaran oo Marxuum Cabdi Cali Sokor loogu sameynayo Kismaayo

37

Aas Balaaran ayaa lagu wadaa in maanta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose Loogu sameeyo Allaha u naxariistee Suldaan Cabdi Cali Sokor oo ka mid ahaa Salaadiintii gacanta weyn ka geysatay in dalku ka gudbo KMG,  ayadoo askaasina ay ka qeybgalayaan Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan  Dowladda.

Allaha u naariistee Meydka Suldaan Cabdi Cali Sokor ayaa lagu wadaa in maanta lagu aaso Magaalada Kismaayo,   iyadoo aaskaasina ay ka qeybgalayaan mas’uuliyiin ka socta dowlada oo uu hogaaminayo wasiirka warfaafinta Isgaarsiinta iyo gaadiidka Mudane C/llaajhi Ciilmooge Xirsi.

Aaska Qaran ee loo sameynayo Suldaanka ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalaya mas’uuliyiinta mamulka Kismaayo, odayaasha dhaqanka, nabadoono iyo qeybaha bulshada ku nool magaaladaasi.

Allaha u naxariistee Suldaanka oo ku geeriyooday magaalada Nairobi ayaa lagu xasuustaa doorkii wanaagsanaa ee uu ka soo qaatay sidii dalka looga saari lahaa nidaamkii KMG ahaa.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.