Kenya oo sheegtay in duqeyntii Gedo ay ku dishay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab

47

Afhayeenka ciidamada Milateriga Kenya Col. Cyrus Oguna ayaa sheegay in duqeyn khamiistii ka geysteen duleedka degmada Garbahaarey ay ku dileen sarkaal ka tirsan Shabaab iyo tiro ciidan ah.

Col. Oguna ayaa sheegay in duqeynta ay ku dileen Gudoomiyihii Al-Shabaab ee degmada Buurdhuubo oo magaciisa lagu soo gaabiyay Nuur Dheere, hase ahaatee ma jirto war ka madax banaan sheegashada Afhayeenkan.

Afhayeenka ayaa sidoo kale xusay inay sii wadayaan dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab, isagoo uga digay dadka rayidka inay ka ag dhowaadaan saldhigyada Al-shabaab.

Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil ayaa jimcihii sheegay in duqeyn ay qaadeen diyaarado dagaal lagu bartilmaameedsaday Saldhigyo Al-Shabaab ku lahaayeen inta u dhaxeysa Buurdhuubo iyo Garbahaarey.

Kenya ayaa duqeymo dhowr ah ka geysatay gobolada koofureed, iyadoo duqeymahaas ay dad rayid ah wax ka soo gaareen.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.