Safiirka Soomaaliya u Fadhiya Koofur Afrika oo la kulmay Jaaliyada iyo Ganacsatada Halkaas jooga +Sawirro

33

Kulan si weyn loo soo agaasimay oo ay isla qaateen Safiirka dhawaan ay dowladda Federalka ee Soomaaliya u soo magacawday Dalka Koonfur Afrika, iyo Culumaa,udiin , Waxgarad, ganacsato,  Haween iyo dhalinyaro ayaa waxaa lagu qabtay xaafadda ay Soomaalida u badanyihiin ee Mayfair ee johannseburg.
Kulankan ayay u jeedkiisu aheyd inuu Safiirka Soomaaliya ee Koonfur Afrika Sayid Xasan Shariif Cabdullaahi oo maalmihii ugu dambeyay kulamo isdabajoog ah la yeelanayay Dowladda Koonfur Afrika n uu u sheego waxyabahii u qabsoomay isagoo qudbad uu ka jeediyay kulankaasi kaga hadlay arimo muhiim u ah  oo quseeya Soomaalida ku dhaqan Koonfur Afrika kuwaasoo ay ka mid yihiin Socdaalka, in la diiwaangaliyo ganacsi walbo ay Sooomaalida ku leedahay dalkani iyo in hadda wixii ka dambeeyo in la joojiyo boob loo geysto ganacsatada Soomaalida  kadibna  laga aamuso, Mar uu ka hadlayay Safiirku

arimaha bixitaanka Soomaaliya ee ay Waaxda Socdaalka Dowladda Koonfur Afrika gabi ahaanba joojisay ayuu sheegay
in Dowladda Koonfur Afrika ay arintaasi kala hadleen ayna dhawaan bilaaban doonaan bixintaanaddi Soomaaliya lagu aadi jiray iyadoo ay jiraan Soomaali badan oo ku xiran Magaaladan Johansseburg , Sidoo kale Safiirka Soomaaliya u fadhiya Koonfur Afrika ayaa ugu digay dad horay u sameyn jiray warqado feeg ah kuwaasoo matalayey Dowlada Soomaaliya in ay ka waatoobaan wixii hada ka dambeeya, Dhanka kale Dadkii dhamaantood halkaasi ka hadlay ayaa u mahadceliyay Safiirka iyo Gudddiga Safaaradda iyagoo kula dardaarmay inuu Safiirku cadaalad ku maalmo dadkii loo soo doortay iyadoo guddiga Safaarada halkaasi ku wareejiyey xisaabdkii ay u hayeen Safaaradda.

Hadalheynta ugu badneyn dalka Koonfur Afrika ayay in sida uu Safiirka wax ugu qaban karo dhibaatooyinka Soomaalida ay kala kulmaan Koonfur Afrika.