Ciidamada dowladda oo maanta la wareegay Deegaano hor leh (DAAWO SAWIRADDA)

52

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo garabsanaaya kuwa Midowga Africa ayaa Saacadihii lasoo dhaafay maanta la wareegay deegaanada Luuq-jeeloow iyo Baar oo aan sidaa uga fogeyn magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan

Magaalooyinka ay maanta la wareegen Ciidamada is-garabsanaaya ayaa waxaa horay ugu sugnaa Ciidamo katirsan Al-Qaacidada Somalia ee Alshabaab

Kornayl Tawane Axmed Gurubeey Taliyaha ciidamada lugta ee gobolka Hiiraan ee dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inay maanta Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay si sharaf ah ula wareegen Magaalooyinkaasi waxa uuna sheegay Taliyaha in Ciidamada ay Guushaasi ku muteysanaayan Abaal marin

Taliye Tawane Axmed Gurubeey ayaa sheegay inay Ciidamada sii wadi doonaan howlgalka ka dhanka ah Al-Qaacidada Somalia ee Al-Shabaab

Si kastaba ha ahaatee Taliyaha ayaa sheegay in Ciidamada ay gacanta kusoo dhigeen Dhaawacyo iyo Meydad Shabaab ah waxa uuna sheegay Taliyaha inay aasi doonaan Meydadkaasi balse inta aysan aasin kahor ay warbaahinta usoo bandhigi doonaan Meydadka

 DAAWO SAWIRADDA:-

1 0K

2 OK

3 0K

5 OK

4 OK

1

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.