Qarax ka dhacay banaanka hore ee Safaarada Mareykanka ku leeyahay Caasimada Turkiga ee Ankara

50

Qarax ayaa ka dhacay banaanka hore ee Safaarada Mareykanka uu ku leeyahay Caasimada dalka Turkiga ee Ankara, iyadoo ugu yaraan hal ruux uu ku dhintay.

Sida wararku sheegayaan qaraxan ayaa u muuqday mid is miidaamin ah, hase ahaatee wararka ay ilaa iyo hada yihiin kuwo soo baxay.

Gawaarida ambalaaska iyo kuwa dab damiska ayaa soo gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay.
Wararka laga helayo warbaahinta Turkiga ayaa sheegaya in qaraxa aanu wax bur bur ah u geysan gudaha xarunta Safaarada Mareykanka ku leeyahay Ankara.

Ma jirto ilaa iyo hada koox sheegatay weerarkaas, laakiin sida ay qortay wakaalada wararka ee AP in labo qofood ay ku dhinteen weerarka ismiidaaminta sidoo kale warbaahinta Turkiga ayaa sheegtay in labo ruux oo ciidamada amaanka ahaa ay dhinteen.

Turkiga ayaa dagaal kula jiray Kooxo Kurdish ah oo gooni u goosad ah iyo kooxo Islaamiyiin ah, kuwaasoo sanadihii u dambeeyay weeraro ku qaaday dalka Turkiga oo xubin ka ah NATO.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.