R/wasaare Saacid oo sheegay in maamulka dowlada si dhaqsi ah loogu baahindoono gobolka Sh/Hoose

39

R/wasaaraha xukuumada Soomaaliya oo kormeer howled shalay ku tagay magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabeelada Hoose ayaa sheegay in shacabka ku nool dagamadaasi ay wajiyadooda ku muuqato dhibaatooyinkii soo maray,  isagoo dhinaca kalana sheegay in gobalkaasi lagu balaarin doono dowlada.

R/wasaaraha iyo wafdigiisa oo booqday magaalada Marka islamarkaana kulamo la qaatay qeybaha bulshada ee ku nool gobolkaasi, ayaa sheegay in dadka ku nool gobolkaasi ay wajiyadooda ka muuqato diiftii iyo dhibaatadii ay u geysteen maleeshiyaadka Shabaab.

Sidoo kale R/wasaaraha ayaa tilmaamay in gobolkasi uu ka mid ayahay gobolada ugu wax soo saarka badan dalka,  isagoo hoosta ka xariiqay in gobolka uu kaalin wax ku ool ah ka soo qaatay halgankii gobanimadoonka.

Dhanka kale R/wasaaraha ayaa carabka ku adkeeyay in maamulka dowlada lagu baahon doono gobolka Shabeelaha hoose, isla markaana la soo celindoono adeegyadii aas aasiga u ahaa nolosha dadka ku nool gobolkaasi.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.