Diyaarado dagaal oo duqeeyay deegaano u dhaxeeya Garbahaarey iyo Buurdhuubo

36

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay duqeeyeen deegaano u dhaxeeya Garbahaarey iyo Buurdhuubo, halkaasoo saldhigyo ay ku lahaayeen dagaalyahanada Al-Shabaab.

Diyaaradahan oo aan si rasmi loo ogeyn dalalka laga lahaa, hase ahaatee loo maleynayo inay Kenya leedahay ayaa Maamulka Gobolka Gedo uu sheegay in la bartilmaameedsaday saldhigyo ay lahaayeen Shabaab.

Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil ayaa u sheegay Idaacada Shabelle ee Muqdisho in gawaari dagaal iyo saanad milateri lagaga gubay Al-Shabaab.

“Duqeymaha waxay ka dhaceen saddex goobood oo ah bartamaha Garbahaarey iyo Buurdhuubo u dhaxeysa, halkaas waxaa qasaare lagu gaarsiiyay kooxihii nabad diidka ahaa saanadooda iyo gaadiidkooda”ayuu yiri Maxamed Cabdi Kaliil.

Lama oga qasaaraha ay geysteen duqeymahaas, mana jirto wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab, hase ahaatee duqeymaha diyaaradeed ayaa ahaa kuwii u horeeyay ee sanadkan ka dhaca gedo.

Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa tan iyo sanadkii 2011 markii ay soo galeen Koofurta Soomaaliya ay duqeymo dad badan ku xasuuqeen ka geysteen gobolo ka tirsan Koofurta, iyagoo beegsanayay Al-Shabaab.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.