Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku sii jeeda magaalada London

43

Madaxweyaha dowlada federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in dhowaan gaaro caasimada dalka Ingiriiska ee London.

Booqashada madaxweyne Xasan ayaa la xiriirta booqashooyin uu ku marayo qaarada Yurub waxana uu dhowaan soo booqday magaalada Brussels oo ah xarunta ururka Midowga Yurub.

Qabanqaabo xoogan ayaa ka socota magaalada London taas oo lagu soo dhoweynayo madaxweynaha waxaana halkaas ku sugan mas’uuliyiin u sii gogol xaaraysa booqashada wafdiga uu horkacayo madaxweynaha.

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa kamid ah wasiirka arrimaha dibada ahna R/wasaare ku xigeen Fowsiyo Yuusuf iyo madax kale.

Booqashada madaxweynaha Soomaaliya ee dalka Ingiriiska oo ah tii ugu horeysey ee uu ku tago dalkaas tan iyo markii la soo doortay horaantii bishii September ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa iyadoo dowlada Ingiriiska ay ugu baaqday muwaadiniinteeda ku sugan Somaliland inay ugaga soo baxaan sababo ammaanka la xiriira.

Wasiirka arrimaha dibada ee Soomaaliya Marwo Fowsiyo oo dhowaan booqatay dalka Ingiriiska ayaa waxa ay sheegtay in ay dowlada Soomaaliya ay qorsheynayso sidii dib loogu howlgalin lahaa safaaradii Soomaaliya ay ku lahayd wadanka Ingiriiska.

Dalka Ingiriiska ayaa waxaa ku nool kumanaan qoys oo Soomaali ah oo gaaray dalkaasi badankood labaatankii sano ee la soo dhaafay kadib markii ay dagaalo sokeeye ka qarxeen dalka Soomalaiya.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.