UNHCR oo sheegtay in qaxootiga Soomaaliyeed ee ku dhaqan Kenya ay doonayaan in dib loogu celiyo dalkooda

53

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool xeryaha qaxootiga ee dalka Kenya ay doonayaan inay ku laabtaan waddankooada.

Hay’adda Qaramada Midoobay ugu qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in dadka Soomaalida ee kunool xeryaha qaxootiga ee kuyaala gudaha dalka Kenya ay iyagu muujiyeen rabbitaankooda kuwajahan in dib loogu celiyo gudaha dalkooda Soomaaliya gaar ahaan gobollada Koonfurta wadanka.

Guddiga sare ee Hay’adda UNHCR oo warbixin kasoo saaray maalintii arbacadii xaaladda Rabbitaanka qaxootiga Soomaaliyeed ee kuwajahan dib ugu celinta dalkooda hooy ayaa sheegay in kudhowaad 18-qoys oo kunool xeryaha qaxootiga Dhadhab iyo Ifo labo ee Waqooyiga dalka Kenya ay muujiyeen baahida iyo xiisadaha ay u qabaan in dib loogu celiyo dalkooda Hooyo ee Soomaaliya, iyagoo sidoo kalena xaqiijiyay sida ay diyaarka ugu yihiin in ay wareejiyaan warqadihii macluumaadka oo ay ku qaadan jireen raashiinka qalalan oo ay hay’addu siinjirtay.

” tani waa astaan muhiim ah oo maldahaysa rabitaan kayimid in si akhtiyaari ah dib loogu celiyo” sidaasi waxaa warbixinta xaaladda qoysaska dhowr iyo tobanka oo iyagu waydiistay in dib loogu celiyo dalkooda hooyo.

Hay’adaha gargaarka ee ka shaqaynaya xeryaha Dhadhaab ayaa u aaneeynaya dhaqdhaqaaqa Qaxootiga ee ka gudbaya xadka islamarkaana dib ugu laabanay gudaha dalka Soomaaliya ay sabab u tahay dadka Qaxootiga oo shaqo ka raadinaya gudaha Soomaaliya in ay sidoo kale hubiyaan xaaladaha dhul beeroodkii iyo hantidii ay kulahaayeen Gudaha dalka  kadib markii Kooxda Nabaad diidka ee Xiriirka la leh Al-qaacida ee Al shabaab gebi ahaanba laga saaray deegaannadii ay beri ka arimin jireen ee Koonfurta Soomaaliya.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.