Qarax ka dhacey Xaafada Sheelare ee degmada Xamar jajab

77

Qarax ayaa saakay  ka dhacay xaafada Sheelare oo aan sidaas  uga fogeyn  xarunta  uu ka socdo shirka ansixinta  dastuurka  ee Akademiyada Ciidanka Booliiska ee General Kaahiye ex- Dugsigii Sare ee Booliiska  (Scoula Polizia). Qaraxaasi ayaa la sheegey inuu ahaa mid wadada dhinaceeda la dhigey oo la doonaayey in waxyeelo lagu geysto balse sida ay wararku sheegayaan ma jiraan  cidna wax  ku  noqotey marka laga reebo bisad halkaas ku sugneyd oo waxyeelo  soo gaartey.

Markii qaraxaasi dhacey ka dib, ciidanka booliiska iyo kuwa AMISON ayaa halkaas soo buux dhaafiyey  kuwaas oo barar koontorool ku lahaa meelo aan sidaas uga fogeyn halka qaraxu ka dhacey.

Sidoo kale, Gudoomiyaha degmada  Xamar  Jajab  ayaa  yimid goobta qaraxu ka dhacey, waxuuna saxaafada u sheegey in ay weli baaristu socoto, cid loo qabteyna aysan jirin, laakiin saxaafada loo soo gudbin doono waxii warar ah oo arrintaas la xiriira.  

Ma jirto ilaa iyo hadda cid sheegatey masuuliyada qaraxii maanta  balse magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhaca qaraxyo musliyadeedu sheegtaan Ururka Al-Shabab. Qaraxyada ka dhaca magaalada ayaa inta badan waxyeelo ka soo gaartaa dad shacabka oo  aan waxba galabsan oo wadada maraaya.

Idale News Oline (INO) – MOGADISHU

You might also like More from author

Comments are closed.