Ruushka oo cambaareeyay duqeymo diyaaradaha Israa’iil ka geysteen Suuriya

32

Wasaarada Arrimaha dibada Ruushka ayaa si kulul u cambaareysay duqeymo diyaaradaha Israa’iil ka geysteen Xarun Milateri oo uu Suuriya ku leeyahay waqooyi galbeed dalkaas, iyadoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan.

Duqeyntan oo dhacday shalay oo Arbaco aheyd ayaa diyaaradaha Israa’iil ay ka geysteen xarun milateri cilmi baaris ah oo ku yaala gobolka Jamraya, oo waqooyi galbeed ka xigta Caasimada Dimishiq.

Milateriga Suuriya ayaa war uu soo saaray ku sheegay in weerarkaas uu yahay mid daan daansi ah, isla markaana yahay xadgudub qaawan oo madax banaanida Suuriya ah.

Labo ruux ayaa ku dhintay weerarkaas, halka shan kale ay ku dhaawacmeen, waxaana jira dhibaatooyin kale oo ka dhashay duqeyntaas.

Wararka ayaa sheegaya in duqeyntan lala bartilmaameedsaday kolonyo u socday Lubnan oo lagu tuhmay in bartilmaameedka ahaa hub loo waday Xisbulah, inkastoo aan warkaas kala cadeyn.

Ruushka ayaa sheegay in weerarkan hadii uu jiro ay xadgudub ku tahay xeerka Qaramada Midoobey, isla markaana ay ka imaan karto qatar dhinaca gobolka ah.

Suuriya ayaa waxaa ka taagan muddo 22-bilood ah qalalaaso xoogan oo u dhaxeeya dowladda uu hogaamiyo Bashar Al-asad iyo kooxaha mucaaradka, oo magaalooyin badan qabsaday.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.