Siminaar loo soo xiray shaqaale ka tirsan wasaaradda difaaca

60

Shaqaale ka tirsan wasaaradda Gaashaandhigga ayaa maanta loo soo gabagabeeyay siminaar socday muddo 5 maalin ah oo lagu baranayay hoggaanka iyo maamulka.

Siminaarkaan oo ay ka qeyb galeen Agaasimaha guud ee wasaaradda iyo agaasimeyaasha waaxyaha waxaa casharro ka bixinayay macaliniin ka socotay xarun-goboleedka horumarinta iyo hoggaaminta, ayadoo sidoo kale shaqaaluhu ay sameynayeen dodo aqoon kororsi ah.

Dr Cabdi Shire Warsame oo kasocdey xarun goboleedka hogaaminta iyo horumarinta oo ka hadlay xiritaanka tababarka ayaa sheegay in ka qeyb galayaashu ay muujiyeen dadaal, ayagoo wadaagay macluumaad ku saabsan waaya-aragnimadooda maamul, wuxuuna wasaaradda ku booriyay in la joogteeyo siminaarrada noocaan ah.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda gashandhigga C/raxmaan Kulmiye Xirsi “C/raxmaan Dheere” oo gaba gabadii kulanka hadal ka jeediyay ayaa u mahad celiyay ururka tababarka fuliyay, isagoo shaqaalaha kula dardaarmay in wixii ay kororsadeen ay shaqada ku hagaajiyaan dadka kale ee wasaaradda ka tirsana ay u faa’iideeyaan.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.