Hillary Clinton oo xilka laga qaaday iyo Mareykanka oo Xoghaye Cusub yeeshay

41

Sida laga soo xigtay Wargeysyada kasoo baxa Dalka Mareykanka ayaa sheegaya in Golaha odayaasha ee dalka Maraykanka ay si sharaf ah u ansixiyey magacaabista Senator John Kerry oo xilka kala wareegi doona Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Mareykanka Hillary Clinton.

Odayaasha Mareykanka ayaa si aqlabiyad ah farta ku wada fiiqay Mr John Kerry waxa uuna John Kerry noqon doona Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Mareykanka isaga oona xilkaasi kala wareegi doono Clinton

Codeyntaani ayaa imaaneysa Xilli dhawaan Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama u magacaabay John Kerry xilkaasi, kadibna waxaa loo gudbiyey golaha senateka si ay u ansixiyaan, hayeeshee waxaa hirgalay Magacaabista Madaxweyne Obama uu magacabay John Kerry maadaama uu Golaha u gudbiyay

Ugu dambeyntii Mr John Kerry ayaa ah diblumaasi ku xeel dheer arimaha Siyaasadda ee Dalkaasi Mareykanka waxa uuna in mudda ah lasoo shaqeeyay Xukuumadihii dalka Mareykanka soo maray.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.