Wafdi Uu Hogaaminayo Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Oo Goor Dhow Gaaray Shalaanbood, Kuna Sii Jeeda Marka

38

Wafdi uu hogaaminayo Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa goor dhow gaaray deegaanka Shalaanbood oo ka tirsan gobolka Shabeelada Hoose.

Ra’isulwasaaraha Wafdigiisa waxaa ka mid ah Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi,Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane C/kariin Xuseen Guuleed,Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi,Wasiirka Wasaaraddda Maalliyadda iyo Qorsheynta Mudane Maxamuud Xasan Suleymaan,Taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas C/qaadir Sheekh Cali Diini,Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed Eng Axmed Macalin Fiqi,Taliyaha Ciidammada Booliiska General Shariif Sheekh Unaa Maye iyo xildhibaanno.

Ra’isulwasaaraha iyo wafdigiisa waxey kasoo ambabaxeen saakay magaalada Muqdisho ee Caasimadda ayadoo hadana wafdiga Ra’isulwasaaraha ay kusii jeedaan magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelada Hoose halkaasi oo Ra’isulwasaaraha uu kula kulmi doono waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee buslhada  ku dhaqan magaalada Marka.

Magaalada Shabaanbood waxaa Ra’isulwasaaraha kusoo dhaweeyey mas’uuliyiinta maamulka gobolka Shabeelada Hoose waxaana socdaalka Ra’isulwasaaraha iyo wafdigiisa uu salka ku hayaa u  kuurgelidda xaalada dhabta ah ee ay ku sugan yihiin dadka ku dhaqan magaalada Marka .

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.