Wasiirada Arimaha Dibada Fowziyo Yuusuf oo ka hadashay xariga Wariye Koronto

39

Iyadoo dambi la’aan xabsiga lagu hayo Wariye Dhibane C/casiis C/nuur Ibraahim Koronto ayaa waxaa ka hadlay xarigaasi wasiirada arimaha dibada Soomaaliya Drs Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan.

Ra;isul wasaare ku xigeenka ahna Wasiirada arimaha Dibada Soomaaliya ayaa sheegtay in sharciga u yahay midka kala cadeeya misna kala saara qofka dambiga leh iyo qofka aan lahayn.
Wasiirada ayaa waxa ay shegtay in ay dhinac ka soo galeyso Warbaahinta, iyadoo muujisay inay aad uga xun tahay dilalka foosha xun ee loo geysanayo saxafiyiinta Soomaliyed.
Waxa ay sheegtay in aan la garaneynin cida ugaarsaneysa saxafiyiinta Soomaaliyeed, waliba sida gaarka ah u ugaarsaneysa wariyayaasha dalka ka howlgalaya.
Wasiirada ayaa sheegtay in loo baahan yahay fulinta sharciga, balse aan la dhihin maxaa loo xidhay Hebel, waxayna wasiirada sheegtay in maxkamda hadii ay dambi ku weyso Koronto la fasixi doono, hadii lagu helana la xukumi doono.
Ugu dambeyn wasiirada ayaa shaacisay in wali Dowlada ay si fiican u caga dhigan, waxayna sheegtay in ay hardan kula jirto xaqiijinta amaanka dalka iyo caasimada Muqdisho.
Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.