Nin Chinese ah oo Aduunka Baaskiil kusoo maray oo gaaray Soomaaliya + SAWIRRO

31

Nin u dhashay wadanka Chine islamarkaana doonaya in Aduunka oo dhan uu Baaskiil kusoo maro ayaa Cagtiisii ugu horeysay soo dhigay Soomaaliya, wuxuuna Shalay gaaray Deegaano kamid ah Maamulka Soomaaliland.

In Kabadan 10 Dal ayuu soo maray Ninkaan Shiineeska ah, wuxuuna wataa oo uu ku safrayaa Baaskiil uu doonayo in Aduunka oo dhan uu lugta kusoo mariyo.

Ninkaan oo lagu magacaabo Foniyan Do ayaa Shalay gaaray magaalada Burco ee Gobolka Tog-dheer ee Soomaaliland, wuxuuna usii gudbayaa wadamada dariska ah si uu safarkiisa usii wato.

Foniyan Do wuxuu sheegay in Safarkiisa oo Shiinaha kazoo bilowday ay 18 Bilood ku qaadatay in 14 wadan oo Caalamka ah uu Cagta soo mariyo.

Daawo Sawirro.