Maamulka gobolka Baay oo baaq u diray Jaaliyadaha Soomaaliyeed

35

Maamulka gobolka Bay ayaa ugu baaqay jaaliyadaha Soomaaliyeed in ay Maalgashi ku sameystan gobolka.

Gudoomiyaha gobolkaasi mudane C/fitaax geeseey oo la hadlay Radio Muqdisho Ayaa sheegay in amaanka gobolka uu yahay mid la isku haleyn karo marka laga reebo meelo yar oo ay wali gobolka kaga suganyihiin haraadiga maleeshiyaadka Shabaab.

Sidoo kale gudoomiyaha ayaa intaa ku daray in gobolka ay ka jiraan horumar ku aadan dhinacyada, ammaanka iyo ganacsiga, inkstoo uu rajo wanaagsan ka muujiyay in adeegyadii waxbarashada iyo caafimaadkana ay goor dhow sidoodii kusoo noqondoonaan.

Dhanka kale gudoomiyaha ayaa ugu baaqay Jaaliyada Soomaaliyeed in ay maalgashadan gobolka si ay gacan ugu geystaan horumarinta nolosha dadka ku nool gobolkaasi.

Hadalka gudoomiyaha ayaa imaanaya xilli ay sanad ka soo wareegtay markii maleeshiyaadka Shabaab laga xoreeyay Beydhabo,  halkaasoo ay heysteen mudo Afar sano ah,  iyago cuuryamiyay nolosha dadka gobolkaasi.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.