WFP oo dib uga howlgashay Magaalada Kismaayo

36

World Food Program oo loo gaabiyo (WFP) Barnaamijka Cuntada Adduunka ayaa war ka soo baxay lagu sheegtay inay billaabeen kaalmo cunto ah oo la gaarsiiyo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose markii ugu horreysay muddo ka badan Afar sano.

Stefano Porretti  Wakiilka WFP ee Soomaaliya oo Nairobi ku sugan ayaa warbaahinta u sheegay in Iska hor’imaadayada iyo nabad galyo la’aanta ay ka hor istaageen Hay’adaha gargaarka sida WFP inay sii wataan howshooda Samafal.

Wakiilka WFP ee Soomaaliya ayaa sidoo kale timaamay inay horumarka dhanka Nabadgalyada ah uu suurta galiyey inay gaaraan Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubada hoose halkaas oo ay ku sugan yihiin dad gargaar u baahan.

Stefano ayaa ugu dambeyntii waxa uu muhiim ku tilmaamay in hay’adda barnaamijka Cunada Adduunka ay ka howlgasho Magaalada Kismaayo.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.