Garoonka Diyaaradaha Beledweyne oo lasoo gabagabeeyay dayactirkii ku socday

31

Saraakiisha Ciidamada Dalka Jabouti iyo Maamulka Gobolka Beledweyne ayaa maanta furay Garoonka Diyaaradaha Beledweyne oo loogu wan qalay ‘’Garoonka Ugaas Khaliif’’.

Garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa noqonaaya garoon ay ka adeegtan Ciidamada Dalka Djibouti ee xubinta ka ah AMISOM Garoonkaasoo la sheegay in inta badan ay ku adeegan doonan Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM oo iminka aan dhulka ku tagi karin Magaaladda Beledweyne

Dhanka kale Taliyaha ciidamada AMISOM Kornayl Cismaan Dubbad oo la hadlaayay  saxaafadda ayaa sheegay in ay soo gabagabeeyeen dayactirka ay ku sameynayeen garoonka Ugaas Khaliif  isla markaana ay ku saa’idiyeen dhismaha garoonka ilaa 3 mitir oo dheeri

Si kastaba ha ahaatee Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in Garoonka ay dhawaan albaabada u furi doonaan si uu ula tartamo garoomada duulimaadka sida aadann caddie.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.