Odayaasha dhaqanka degmada Jowhar oo ku guuleystay in dib loo furo isbitaalka guud ee Jowhar

17

Shaqaalaha isbitaalka magaalada Jowhar ee ay gacanta ku hayso hay’ada Intersos ayaa dib u bilaabay howlahoodii kadib markii muddo sideed maalmood ah ay ku jireen shaqo joojin.

Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka magaalada Jowhar ayaa kulamo ay la yeesheen shaqaalaha isbitaalka kadib waxaa ay shaqaalaha oggolaadeen in ay dib u bilaabeen howlahii ay ka hayeen isbitaalka goboleedka magaalada Jowhar.

Shaqaalaha isbitaalka ayaa waxa ay ka cabanayeen mushaar yari iyadoo xilligan lagu jirana sicir barar uu kajiro dalka Soomaaliya.

Dadaalo ay sameeyeen odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka magaalada ayaa waxa ay ugaga codsadeen shaqaalaha in ay dib u bilaabaan shaqadooda lana wado xiriirka madaxda hay’adda Intersos ee ku sugan dalka dibadiisa lala leeyahay si loogu dhaadhiciyo xaalada dalka uu marayo.

Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa waxaa ku yaal labo isbitaal oo ay gacanta ku hayaan hay’ado samafal. Isbitaalka hooyada ee ku yaal magaalada Jowhar oo ay gacanta ku hayso hay’ada MSF(Spain) ayaa waxaa wax loogu qabtaa haweenka umulaya iyo carruurta. Halka isitbaalka Intersos ee ay gacanta ku hayso hay’adda Intersos lagu daweeyo dhamaan cudurada guud.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.