Kulan looga hadlayay sida looga faa’ideysankaro qeyraadka dalka oo lagu qabtay Muqdisho

28

Aqoon isweydaarsigaan oo ay soo qaban qaabisay jaamacadda Daarul Xikmah kuliyadeeda culuunta badaha ayaa looga hadlay qeyraadka guud ee dalkeena gaar ahaan midka dhaxceegaaga badaha dalkeenna iyo siyaabaha looga faa’iideysan karo.
Dood cilmiyeedkan ayaa waxa ka qeyb galeen ardayda jaamacadaha magalada Muqdisho, wakiillo kakala socday macaahidda waxbarashada gobolka Banaadir iyo marti sharaf lagu casuumay.
Kulanka aqoon isweydaarsiga ah oo ay casharo iyo doodo ku aadan habka bulshada Soomaaliyeed iyo kaluumeysataduba uga hodmi karaan qeyraadka dalka gaar ahaan badeena oo ah badda ugu qeyraadka badan caalamka ayaa waxaa kusoo bandhigay qubaro dhanka badaha iyo kaluunka.
Dr Xasan Meyre Nuur oo ka mid ahaa aqoonyahaniintii casharada kabixiyey aqoon isweydarsiga ayaa sheegay in qeyradka badaha dalkeenu yihiin kuwa loogu loolanka badan yahay caalamka sidaa daraadeedna loobaahan yahay in bulshada Soomaaliyeed xoogga saarto kalumeysiga.
Sidoo kale Dr Cali Saciid Sabriye ayaa tilmaamay in qeyraadka badaha dalka laga shaqaaleysiinkaro kooxaha hubeysan iyo burcad badeedda ayna kaheli karaan shaqo dabooli karta baahida qoysaskooda.
Ugu dambeyntii Enjineer Cali Cabdi yare oo ka mid ah macalimiinta kuliyadda culuunta badaha ee jaamacadda Daarul Xikmah ayaa qeexay in bulshadu ay ku baraarugto cunista kalluunka iyo soosaaristiisa uuna ka caafimaad badan yahay maskaxiyan kan xoolaha nool.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.