Madaxweyne Xassan Sheikh iyo Banki Moon oo kawada hadlay arinta Maamulka Somaliland

20

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia Xassan Sheikh Maxamuud iyo Xoghayaha Guud Qaramadda Midoobay Banki Moon ayaa kawada hadlay Xaaladda Somaliland iyo sidii laga yeeli lahaa kadib aqoonsigii Maraykanka uu aqoonsaday Xukuumadda Somalia

Madaxweyne Xassan Sheikh iyo Banki Moon oo iminka ku sugan Magaaladda Addis Ababa ee Dalka Ethiopia ayaa qaatay kulan dhowr saac ah oo ay uga hadlaayen Sidii Somaliland ay ka sameyn lahaayen, Banki Moon ayaa madaxweynaha Somalia ka codsaday inuu sii wado xiriirkii iyo rajadii xukuumaddi Shariif Sheikh Axmed iyo maamulka Somaliland kala dhexeeyay waxaana arintaasi qalbi furan kusoo dhaweeyay Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamuud

Dhanka kale Banki Moon ayaa Madaxweynaha Somalia ku dhiira galiyay inuu marnaba ka quusan inuu miis la fadhiisto Masuuliyiinta Maamulka Somaliland, waxaana arintaasi soo dhaweeyay Xassan Sheikh Maxamuud oo iminka gacanta ku haya Taladda dalka Somalia

Si kastaba ha ahaatee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia Xassan Sheikh Maxamuud ayaa Xoghayaha Guud ee QM ka codsaday inuu ka shaqeeyo wada hadalka Masuuliyiinta Somaliland iyo Xukuumadda Somalia waxaana arinkaasi balan-qaaday Banki Moon isga oona sheegay inuu guddi Qaramada Midoobay ah u xil saari doono wada hadalka Somalia iyo Somaliland .

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.