Wasiirka Gaashandhiga oo sheegay inay dhawaan furayan wadada isku xirto Baydhabo iyo Muqdisho

31

Xili ay ku suganyihiin Wasiirka Arimaha Guduha iyo Amniga Qaranka Soomaaliya iyo Wasiirka Gaashaandhiga magaaldda Baydhabo ee xarunta gobalka Baay ayaa waxa ay kawarbixiyeen xaaladda amaan iyo Isbedelka magaaladda

Wasiirka wasaaradda Gaashandhiga Cabdixakiin xaaji Maxamuud Fiqi ayaa sheegay in ula jeedka isaga iyo wafdigiisa ay tahay inay isku furan wadada Xiriirisa Magaalooyinka Baydhabo iyo Muqdisho, waxa uuna sheegay C/xakiin in xiligaani isaga iyo masuuliyiinta la socto ay gabagabo u mareyso howlaha iyo indha-indheynta amaanka wadada isku xirto Baydhabo iyo Muqdisho

Dhanka kale C/xakiin ayaa shacabka ugu baaqay in xukuumadda Somalia gaar ahaan Ciidanka ay garab kusiyaan sidii loosoo celin lahaa amaanka magaaladda iyo gobolada ku xeen-daaban waxa uuna sheegay in dhawaan gaadiidleyda iyo shacabka ay ku damaashaadi doonaan wadada isku xirta Baydhabo iyo Muqdisho .

Si kastaba ha ahaatee Fiqi ayaa sheegay in muhiimadda wadooyinkaasi ay tahay in dadka labadaasi magaalo degan ay isdhex galaan islamarkaana ay u kala gooshan labada magaalo si xuriyad ah ayuu yiri Fiqi.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.