Mudanayaal ka tirsan baarlamanka oo gaaray degmada Cabuudwaaq

37

Mudanayaal ka tirsan Baarlamanaka Soomaliya oo maalmahan booqasho ku joogay degmada Guriceel ee gobolka Galguduud ayaa gaaray degmada Cabudwaaq, iyagoo kulamo wadatashi ah la qaadan doona dadka deegaanka.
Xildhibanada ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay degmada Cabuudwaaq ee Gobolka Galguduud, iyadoo maamulka degmadaasi uu sheegay in mudanayaashu Ay kulan wadatashi ah la qaadan doonaan maamulka degmada iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee bulsha weynta ku dhaqan degmada Cabuudwaaq iyo deeganada hoos yimaada.
Wafdigan oo ka kooban Lix Xildhiban ayaa soo maray degmooyinka Gurceel iyo Dhuusamareeb, waxaana la filayo in degmada Cabuudwaaq ay ka sii aadi doonaan degmooyinka Xeraale , Balanbal iyo Cadaado.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.