Doorashada gudoonka ardayda Soomaaliyeed ee Malaysia oo xalay ka dhacday xaafada Edman + Sawirro

35

Xaflad si heer sare loo soo agaasimay laguna dooranayay gudoonka cusub ee midowga ardayda somaliyeed ee dalka Malaysia sanada 2013-14 ayaa habeenimadii xalay ka dhacdaay agagaarka xaafada somalida ugu badan tahay dalka Malaysia ee edman gaar ahaan hall-ka taman ebikota.

Doorashadan oo ay u sharxanayeen laba ka mid ah ardayda dalka wax ka barata oo la ka la yiraahdo Ibrahim Hassan haji oo wax ka barta jamacada al-madinah international iyo weliba c/lahi Mohamed ali oo isna wax ka dhigta jamacada university technology Malaysia.

Abaaro 10:00 habeenimo ee xilliga dalka Malaysia ayaa waxaa hallka xaadir ku ahaa in ka badan 300 arday kuwaaso soo buuxiyay sharuudihii lagu codeen lahaa, oo ay ka mid ahaayeen in arday walba uu heesto passport viso waxbarasho saran yahay iyo ID-ka carda goobta ama meesha uu wax ka barta cadeynaysa, waxaana amaanka goobta sugayay qaar ka mid ah ciidamada loo yaqaan RELA ARMY oo amaanka munasabadaaha suga.

Inta ay doorashada bilaban aya waxaa xiriirayaha barnaamij uu xusay martida goobta joogta oo ay ka mid ahaayeen gudoomiyaha jaaliyada Dr.Muuse, mid ka mid ah la taliyayasha madaxweynaha dowlada somaliya, xubin ka socotay safarada somaliyeed ee dalka Malaysia,  qaar ka mid ah aqoonyahanada somaliyeed eek u nool dalka gudoomiyaha xiligiisa dhamaday ee mowliid isbandheys, iyo xubno kale oo bulshada reer Malaysia ku wayn, kuwas oo khudbado muhiim ah meesha ka jeediyay .

Khudbadaha ka dib ayaa waxaa si toos ah u bilaawday codeenta labada musharax e tartamaysay iyado ay ardayda ahayd kuwo ka yimid ilaa 9 jamacadood oo kala duwan oo somalida Malaysia ay wax ka bartaan kuna kala yaalo gobolo kala duwan, waloow xalay doorashada ay ka dhacaysay magaalada caasimada ah ee Kulalumpur, laguna soo beegay maalin weekend ah oo class-yo aysan jirin.

Gudoomiyaha gudiga doorashada ayaa inta uu ku dhawaaqin wuxuu u yeray labada musharax in ay ardayda hortooda ka cadeyaan in ay tageerayaan natiijada ka soo baxda doorashada, wuxuuna mid walba uu cadeyay in wixii ka soo baxa doorashada u u hogaansami doona waxaana akhirkii lagu dhawaqay in c/llaahi maxamed cali (Suldan) uu codad aad u badan oo gaaraya ilaa 212 cod uu kaga guuleestay musharaxa kale ee Ibrahim Hassan haji oo isna helay 67 cod oo keliya.

Dorashada ka bacdi ayuu Ibrahim mar labaad cadeyay isagoo gacan qaaday in uu si wayn ula shaqayn doono walalkiisa abdulahi mahamed cali oo ka guulestay hogaminta ardayda somaliyeed ee dalka Malaysia saada 2013-14, hadaba la arki doone halkuu gaarsiyo abdulaahi hogaan ardayda somaliyeed, iyadoo gudomiyaha hada waqtigiisa dhamaday ee mowlid ahmed uu gaarsiyay hogaanka ardayda halkii ugu sareeyso ee u abid gaaray isagoo ardayda  dhan walba ka cawiyay haday ahaan lahayd xalin xaga visada ah, siminaar siin, xaga caafimaadka, iyo waxyaalo aan la soo koobi karin, waxana lagu nanesay gudoomiye mowlid mahathir-ka ardayda, iyadoo la wada ogyahay shacabka reer malaysia mahathir mahamed meesha uu ka jooga isagoo dalka xukumayay mudo ka badan 20 sano.

DSCN1711

DSCN1714

DSCN1715

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.