Xulalka Ghana Iyo Mali Oo U Talaabay Wareega 8da Qaramada Afrika Iyo DR Congo Oo Ka Hartay.

42

250430hp2

Xulka Ghana ayaa si raaxo leh ugu gudubtay wareega 8da ee koobka Qaramada Afrika islamarkaana kaalinta koowaad kaga soo baxay Group B ka dib markii ay kulankooda ugu danbeeya ay 3-0 ku dubteen xulka Niger.

Asamoah Gyan ayaa goolasha u fuary xulka Black Stars daqiiqadii 6aad ka hor inta uusan goolka labaad u dhalin daqiiqadii 23aad ciyaaryahan Atsu.

Waxaana ciyaarta oo aheyd mid hal dhinac ah hurdo u diray oo dhinac u riday Boye oo Ghana u dhaliyay goolkii seddexaad daqiiqadii 49aad ee ciyaarta.

Ghana waxa ay xaqiijisatay inay ku soo baxday kaalinta koowaad ee Group B islamarkaana u gudubtay wareega 8da koobka Qaramada Afrika iyagoo leh 7 dhibcood.

Waxaana ay wareega 8da la ciyaari doonaan xulka Cape Verde Islands oo kaalinta labaad kaga soo baxay Group A.

Xulka Mali ayaa isna ku soo baxay kaalinta labaad ee Group B islamarkaana iska xaadirisay wareega 8da ee koobka Qaramada Afrika ka dib markii ay barbaro 1-1 ah ka heleen xulka DR Congo oo rajo weyn lahaa.

DR Congo ayaa bilowgii ciyaarta gool ku hormartay kaasoo ahaa rigoore, laakiin Mali ayaa waxaa u barbareeyay ciyaarta oo rubuc saac socota ciyaaryahan Samassa. Barbarahaas ayayna ciyaarta ku dhamaatay.

Waxaana ay taas la micno tahay in Mali ay uruursatay 4 dhibcood islamarkaana ay xaqiijisteen booskooda 8da halka DR Congo ay ku dhameystay kaalinta 3aad iyagoo leh 2 dhibcood.

Mali waxa ay wareega 8da ee la ciyaari doontaa xulka martigelinaya koobkaan ee South Afrika oo kaalin koowaad kaga soo baxay Group A.

DR Congo Iyo Niger ayaana macsalaameeyay koobka Qaramada Afrika oo boorsooyinkooda ka qaadanaya.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.