Iran oo ku guuleysatay inay hawada sare u ganto gantaal daayeer saaran yahay +Sawiro

54

Dowlada Iran ayaa sheegtay in ay ku guuleysatay inay hawada sare u duuliso daayeer nool.
Dowlada Iran ayaa sheegtay in gantaal lagu magacaabo Pishgam ayaa gaaray illaa iyo 120km(75miles) kahor inta uusan dib ugu soo laaban dhulka isagoo bedqaba.

Taleefishinka Iran ayaa soo bandhigay muuqaalka daayeerka isagoo saaran gantaalka hawada sare loo gamay.

Wadamada reer galbeedka ayaa waxa ay muujiyeen shaki ah in dowlada Iran ay u isticmaali doonto gantaalkan in lagu xiro hubka Niyukliyerka ah.

Dowlada Iran ayaa beenisay in ay raadinayso in ay horumariso hubka Niyukliyerka ah iyadoo ku adkeysanaysa in qorshaheeda Niyukliyerka ah uu yahay mid ku salaysan arrimaha ammaanka oo kaliya.

Wadanka Iran ayaa hore waxa uu hawada sare u diray dooli ama jiir iyo xasharaad kale oo nool, hase ahaatee isku day lagu doonayay in daayeer hawada loogu diro ayaa guuldareystay sanadkii 2011.

Madaxweynaha dalka Iran Mahmoud Ahmadinejad ayaa ku dhowaaqay sanadkii 2010kii in wadankiisu uu qorsheeyay in hawada sare u diro qof nool sanadka 2019.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.