Dowladda Turkiga oo lacago ku taageeray hawlgalka Ciidamada AMISOM

36

Warar iminka nasoo gaaray ayaa sheegaya in Xukuumadda Turkiga ay dhaqaale xoog leh ugu yaboohday Ururka Midowga Africa oo howlo amni kawada Dalka Somalia oo ay dagaalo la dageen

Cevdet Yilmaz Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Xukuumadda Turkiga ayaa Jeeg lacageed gaareysa 1-Million Dollar u gacan galshay Madaxda Golaha Nabad-galyadda Ururka Midowga Africa, lacagtaasoo ay Xukuumadda Turkiga ku sheegtay in lagu taageerayo Ciidamadda Africa ee iminka soo celinta Nabadda Somalia u jooga Magaaladda Muqdisho iyo qaar katirsan Goboladda Somalia

Dhaqaalaha loogu yaboohay Ururka midowga Africa ayaa imaaneysa xili madaxda Ururkaasi ay caalamka ka codsadeen in lagu caabiyo howlaha ay kawadaan Dalka Somalia iyaga oo target ka dhiganaaya inay la dagaalamaayan Argagixisadda Somalia ee dagaalka kala soo horjeedo Xukuumadda Somalia

Si kastaba ha ahaatee War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Horumarinta Turkiga ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Turkiga ay u taagan tahay wax waliba ee lagu hormarinaayo Dalka Somalia, waxaana lagu sheegay War-saxaafadeedkaasi in Xukuumadda Turkiga ay gacan joogta ah siin doonto Ururka Midowga Africa si Somalia dhibaatada looga samata bixiyo.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.