Xildhibaan ku baaqay in la dhiso Maxkamad Islaami oo Caalami ah ‘International Islamic Court.

34

Madaxa Guddiga Garsoorka iyo Sharciga ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Islaamka ee Iiraan, Maxamed Cali Esfanani ayaa hoosta ka xariiqay inay lama huraan tahay in la asaaso Maxkamd Islaami oo Caalami ah ee difaacda Danaha Islamka ‘’An Internationa Islamic Court to defend Islamic values’.

Esfanani oo hadlay shalay (January 27th ), ayaa ku baaqay in la dhiso Maxkama Islaami oo Calami ah oo madax bannaan  (An independent International Islamic Court), taasi oo awood u leh inay qaado Dembiyadda Xasuuqa, Tacadiyadda ka baxsan Aadminimdda iyo falalka ka horimaanayo Danaha Barakaysan ee Islaamka.

Dhinaca kale, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Islaamka ee Iiraan, Ramiin Mehman-Parsat oo Suxufiyiinta kula hadlay magalladda Tehran ayaa ku dhaliilay Warbaahinta Reer Galbeedka inay sawir xun ka bixiyaan Islamka, isla markaana ay sameeyaan Filimo lagu aflagaadeynayo Sharafta Nebi Muxunad CSW iyo Muuqalka Muslimiinta,

‘Waxaan doonaynaa in Maxkamad la soo taago lana ciqaabo  kuwo ku xadgudba Islaamka, waxana ka rajeynaynaa Ururka Islaamka ee OIC inuu tallaabo cad ka qaadaan kuwa sameeya Filimadda ka dhanka ah Islaamka’ ayuu yiri Afhayeenka oo ay soo xigatay Wakaalladda Wararka ee Iiraan ee FARS  News Agency.

Baaqaasi ayaa waxa uu yimid iyadoo ay Warbaahinta Reer Galbeedka dhowr jeer soo bandhigeen Filimaad Video iyo sawir-gacmeedyo lagu aflagaadeeyey Nebigeenna Muxumad CSW iyo Diinta Islaamka.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.