Ra’isulwasaare Saacid oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi kasocda dowlada Talyaaniga.

27

Kulanka uu Ra’isulwasaaraha xukuumada federaalka ee Soomaaliya mudane c/Faarax Shirdoon Saacid kula yeeshay xafiiskiisa Mr. Andrea Mezzela oo ah Safiirka dowlada Talyaaniga u qaabilsan Soomaaliya ayaa waxa ay uga hadleen Xiriirka iyo iskaashiga labada dowladood ee Soomaaliya iyo Talyaaniga iyo sidii ay Talyaanigu kaalintooda uga qaadan lahaayeen caawinaada dowlada iyo dadka Soomaaliyeed,

Shirkan oo saacado badan qaatay ayaa markii uu soo gabagaboobay waxaa Warfidiyeenada si wadajir ah ula hadlay  Ra’isulwasaraha dalka iyo wakiilka Dowlada Talyaaniga ee Soomaaliya,

Wasiirka koowaad ee xukuumadda mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa Sheegay in qodobada la isku afgartay ay kamid yihiin in iskaashi dhow oo aan Cidna la isku soo marin ay wada yeeshaan 2da wadan islamarkaana talyaaniga oo Ku kalsoon amaanka dalkeena ay wadanka qeybihiisa kala duwan ka howlgalaan.

Mr. Andrea Mazzela ayaa isna dhankiisa cadeeyay in ay talyaanigu kasoo bixi Doonaan doorkooda ku aadan caawinaada Soomaaliya isagoo safiirku carabka ku Adkeeyay in taageerada Talyaanigu ay tahay mid cad oo miro dhal noqon doonta

Tan iyo markii la dhidbay dowlada federaalka ah ee Soomaaliya oo ah dowladii Ugu horeysay oo rasmi ah oo ay Soomaaliya yeelato tan iyo wixii ka dambeeyay 1991kii waxaa dalka kusoo qul qulayay diblomaasiyiin caalami ah oo kulamo gooni Gooni ah layeelanayay madaxda dalka si ay dhabaha ugu xaaraan xiriir ay Soomaaliya la yeelato bulshada caalamka ee uu talyaanigu kamidyahay.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.