Aqoon is weydaarsi lagu baranayay culuumta badda oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho+Sawiro

31

Aqoon is weydaarsi lagu baranayay culuumta badda oo ay soo qaban qaabisay Jaamacada Daarul-Xikma ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, iyadoo aqoon is weydaarsigan uu ahaa kii u horeeyay noociisa ee lagu qabto Muqdisho.

Aqoon is weydaarsigan ayaa waxaa casharo ka bixinayo qubaro ku taqasusay cilmiga baddan, iyadoo dalkeena uu baahi weyn u qabo wax soo saarka badda iyo sidii looga faa’iidi lahaa qeyraadka ku jira

Mas’uuliyiintii ka qeyb gashay aqoon is weydaarsigan ayaa soo bandhighay casharo ka hadlayay sida bulshada uga indha xiran yihiin qeyraadka badda iyo sida ay uga faa’ideysan karaan, waxaana ay ku taliyeen in la barto culuumta badda.

Gudoomiyaha mu’asasada Al-Ixsaan oo jaamacada Daarul-xikma ay hoostagto ayaa halkaasi ka sheegay in iyaga oo ka duulaya ka faa’iideysiga badda iyo baahi weyn oo ay bulshada u qabaan cilmiga bada ay soo kordhiyeen kulyada marine science, soona qaban qaabiyeen aqoon is weydaarsiga looga hadlayey cilimaga badda.

Inkastoo Soomaaliya ay leedahay qeyraad badan oo dhanka badda ah ayaa shacabka Soomaaliyeed aaney uga faa’iideysan sidii looga talo galay qeyraadkaasi, hase ahaatee qubaradii maanta ka hadlay halkaasi ayaa isku raacay in kulyada marine science oo ay soo kordhisay Jaamacada Daarul-Xikma wax badan ay kusoo biirin doonto shacabka.

 

 

 

 

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.